Sunday, July 6, 2025

Duqa Magaalada Garowe oo la doortay [Akhriso Faahfaahin ku saabsan Guddoomiyaha cusub]

Waxaa magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ka bilaabtay doorashadda Guddoomiyaha degmada Garowe, iyadoo dhowaan la sameeyay Golaha degaanka magaaladaasi.

Doorashaddan oo xiiso  leh, iyadoo isha hagu hayo waxaana ku tartamaya labo Musharax oo  magaalada ay kala dooraneyso. waxaana goor dhow soo baxday natiijadii ugu horeysay iyadoo Duqa magaalada Garowe la doortay.

Waxaa Guddoomiyaha Magaalada Garowe loo doortay Axmed Siciid Muuse (Barre) oo ku guuleystay xilka, kadib markii uu ka guuleystay musharixii la tartamayey ee Axmed Abshir Jaamac.

Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa ahaa ganacsade hore, isagoo  ka mid ahaa asaasayaashii shirkadda korontada Garowe ee NECSOM, Wuxuu sanadkii 2005-kii  ku biiray  siyaasadda, isagoo noqday Xildhibaan Puntland, iyadoo  mar kale ayaa dib loogu doortay sanadkii 2009-kii waxaana uu Xildhibaan Puntand ahaa 9 sano.

Axmed Barre hadda wuxuu madax ka yahay bangiga Iftin qeybtiisa Garowe, dhawaan ayuuna ku dhawaaqay musharaxnimadiisa duqa Garowe, isagoo isla maanta ku guuleystay xilka guddoomiyaha iyo duqa magaakada Garowe.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON