Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay dagaal dhex maray ciidamada maamulka degmada Dayniile iyo ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Soomaaliya.
Dagaalkan oo ka dhacay xaafada Cara-Guduud ee cirifka degmada Deyniile ayaa waxaa ka dhashay dhimasho 3 askari iyo dhawaca afar kale, waxaana Gudoomiyaha Degmada Dayniile uu ku dooday in ciidamo hubeysan ay dhul boob wadaan xaafadaasi.
Duqa Muqdisho oo ay la socdeen qaar ka mida ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray Goobta uu dagaalku ka dhacay, wuxuuna sheegay in si degdega loola xisaabtami doono cid kasta oo ku xad gudubta sharciga.



