Sunday, July 13, 2025

Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya & Taageeero uu weydiistay. [Sawirro]

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Finish ayaa xarunta safaaradda Mareykanka ee aagga Xalane kulan kula yeeshay safiirka Mareykanka u jooga Muqdisho Donald Yamamoto.

Kulankan oo ka mid ahaa is-aragyo joogto ah oo safiirka Mareykanka la yeesho mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayaa loo wadahadlay qoddobo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo safaarada Mareyakanka, Iskaashiga Amniga Caasimadda, taageerada mashaariic horumarinee oo US AID ka fuliso Muqdisho iyo arrimo kale.

Safiirka Dowlada Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya .Donald Yamamoto ayaa u balan qaaday Duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish inuu maamulkiisa ka taageeri doono horumarinta Caasimada Soomaaliya iyo adeegyada ay bixiso.

Gudoomiyaha ayaa uga mahadceliyay Safiirka doorka Dowlada Maraykanku ka qaadato dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha Gobolka Banaadir iyo taageerada Mashaariicda Hormarineed ee Maraykanku ka sameeyo dalkaan ay bur bureen dhamaan Kaabayaashiisii dhaqaalaha.

Waa kulankii uigu horeeyay ee dhex mara Duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish oo dhowaan xilka loo magacaabay iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON