Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee darajada koowaad ayaa maanta markii ugu horeysay lasoo taagay qarixii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Shan qof ayaa la soo taagay maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo loo heysto inay ku lug lahaayeen qarixii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca oo 14-kii Oktoobar 2017 lagu laayey dad ka badan 500 qof, waxaana maxkamadda ay dib u dhigatay dhageysiga dacwadda.
Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida C/sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwada la gelayo maalinta Khamiista ah ee soo socota.
Dadka loo heysto qaraxii Soope ayaa u badan xubno wakiil ka ahaa gaariga qarxay, nin is-miidaamin rabay oo qarax kale isla maalinta la qorsheeyay inuu fuliyo.