Ehellada Marxuum Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo meydkiisa laga helay Jimcihii isagoo ku geed ka laadlaada xerada Sheelare ee ciidamada Booliska ayaa sheegay in sarkaalka la dilay ee aysan jriin wararka sheegaya inuu is-dilay.
Odayaasha ehelada Saerkaalka ayaa saxaafadda u sheegay inay marxuum Cabdi Cali Seed ay dilkiisa ku eedeeyeen taliyeyaal ay shaaciyeen magacyadooda, waxayna ku doodeen in markii ugu war dambeysay ay u yeereen, kadibna la maqlay geeridiisa.
Eheladda sarkaalka geeriyooday ayaa sheegay in sarkaalka uu hore u sheegay inay dili rabaan taliyaha ciidanka daraawiishta iyo kan xerada darawiishta ee meydkiiska lagu dhex arkay, waxayna dalbadeen in baaritaan sax ah aan lagu sameynin meydkiisa, iyadoo aan la xirin askartii ugu horeysay ee meydkiisa soo sheegay
Waxay odayaasha dalbadeen cadaalad iyo baaritaan dhab ah, iyagoo baaq u diray madaxda Dowladda Soomaaliya
HOOS KA DAAWO