Ehelada iyo Qoyska Sarkaal iyo saddex askar ka tirsan ciidamada milatariga ayaa ku eedeeyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir inuu ka danbeeyay dilka dadkaasi, iyagoo digniin u diray madaxda dowladda Federaalka iyo beesha uu kasoo jeedo Farxaan Qaroole.
Eheleda sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Cali Sugwaay Maalin ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo asheegay in sarkaalka loo yeeray, kadibna lagu dilay degaanka Jazeera oo ah halkii uu ku dhashay, kuna soo barbaaray.
Waxay ku eedeeyeen Farxaan Qaroole inuu ka danbeeyay dilka sarkaalka iyo askarta kale, iyagoo sheegay inaan la aasi doonin inta uu cadaalad ka helayo, isla markaana ay kala xisaabtani doonaan Beesha uu kasoo jeedo.
Cali Sugwaay ayaa Qoskiisu sheegeen in si fool xun loo dilay, markii Gaarigiisa lagu rasaaseeyay, kadibna isagoo dhaawac ah lagala degay. Wuxuu Marxuumka ka tegay lix caruur ah, sida ay sheegtay hooyadiis.
Dagaalka lagu dilay sarkaalka iyo askarta kale ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamada Booliska iyo maleeshiyada degaanka Jazeera, kaasoo salka ku hayey Qaad laga soo dejiyo halkaasi.

Hoos ka Daawo