Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka usoo magacawaday Soomaaliya Danjire Larry André. ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Safiirka waxaa Garoonka Aden Cadde kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, sida ay shaacisay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno imaatinka Ambassador Larry André. Waxa uu aad u daneynayaa in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada iyo dowladahooda federaalka ah si loo horumarinno ujeeddada aan wadaagno ee ah dib u soo nooleynta Soomaaliya si ay u noqoto dal sugan, barwaaqo ah, oo dimoqraadi ah” ayaa lagu yiri qoralka ksoo baay safaaradda Mareykanka.
Safiirka Danjire Larry André ayaa xilkan ka bedeli doona safiirkii hore Donald Yamamoto oo muddo bilo ah ka maqan xilka, markii ay dhammaatay xilligii safiirnimada.
