Geerida lama filaanka ah ee ku timid shalay madaxweynihii la doortay ee dalka Masar Maxamed Mursi xilli uu ku jiray maxkamad ayaa dhalisay hadal heyn badan, iyadoo si weynl ooga fal celiyey, laguna eedeeyay dowladda Masar inay ka dambeysay xaaladda keentay geeridiisa.
Markii shalay la hor keenay maxkamadda wuxuu Allaha u naxariistee Maxamed Mursi dalbaday inuu hadlo, isagoo daqiiqo kadib uu miyir daboolmay, kadibna uu dhulka ku dhacay, sidaasina waqti yar kadib uu ku geeriyooday, sida ay shaacisay dowladda Masar.
Ururka Akhwaanul muslimiin ayaa bartiisa rasmiga ah ku shaaciyey in hadalladii ugu danbeeyay ee Maxamed Mursi ay ahaayeen: In xaaladiisa caafimaad ay ka sii dartay, laguna wado dil tartiib loo dilayo.. inuu marar badan la kulmay miyir dabool toddobaadkii ugu danbeeyay, Iyadoo aan wa dawo ah la siin ama aan adeeg caafimaad loo sameyn.
Wakaalada wararka AP iyaduna kasoo xigatay Qaadi ku sugnaa maxkamadda xilligaas inuu dalbaday Maxamed Mursi in hadalka la siiyo si uu uga hadlo eedeynta loo jeediyey ee ku saabsan inuu sirta Qaranka Masar la wadaagay dalka Qatar, kadibna uu hadlay muddo 20 daqiiqo ah, isagoo caddeeyay inuu hayo sir fara badan oo haddii uu sheego isaga xabsiga laga sii deynayo, balse uu halis galeyo amniga dalka Masar. kadibna daqiiqado kadib uu joogga ka dhacay markii uu miyir daboolmay, sidaasina markaas kadib u geeriyooday.
Telefishanka Aljazeera ayaa iska soo xigtay hadalladii ugu danbeeyay ee Mursi inay ahaayeen: Ilaa iyo hadda ma ogi waxa ka dhacaya maxakamadda, Ma arko Qareenayda, iyo saxaafadda ama maxkamaddaba.. xitaa qareenada ma heystaa macluumaadkii ay igu difaaci lahaayeen.. kadiba wuxuu soo qaatay soo qaatay ereyo ka mida gabay oo ahaa:
“بلادي وإن جارت علي عزيزة وأهلي وإن ضنوا علي كرام”