Monday, December 9, 2019
More

    Nabad-doon lagu dilay magaalada Kismaayo & Axmed Madoobe oo War degdega kasoo saaray.

    Waxaa magaalada Kismaayo lagu dilay Oday Nabadoon Caan ka ahaa oo Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Ibraahim Jeeri, kadib markii koox hubeysan ay ku toogteen xaafada Shaqaalaha ee Magalada Kismaayo xilli uu kasoo baxay Salaad Maqrib ah.

    Dableydii dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana wararka laga helayo magaalada Kismaayo ay sheegayaan in Nabadoonka uu ka mid ahaa dadka doonaya isbedel ku yimaada hoggaanka maamulka Jubbaland.

    Ad

    Wax yar kadib dilkiisa waxaa farriin tacsi ah diray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo sheegay nabadoonka dileen Alshabab, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

    Axmed Madoobe Hay’adaha amaanka faray in baaritaan degdeg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay nabadoonka.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,561FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,585FollowersFollow
    131,561FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,582FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!