Guddoomiye Yariisow oo Qaswade ku tilmaamay Xildhiban Fiqi (Dagaal kale oo ka bilowday Baraha bulshada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa soo nooleeyay dagaalkii baraha bulshada ee kala dhaxeeyay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, isagoo ku tilmaamay Qas-wade.

“Waa nasiib daro ah in Xil Ahmed Moallim Fiqi uu dhibsado shirarka Sugida Amniga Caasimada sida ka muuqata fariintiisa hoose. Qaswade waa kan ku farxa Qaraxa oo dhibsada dadaalada Amniga sida Fiqi oo kale. Allaha soo hanuuniyo si uu arko horumarka Caasimada..” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo farriin uga jawaabay qoraal hore oo xildhibaan Fiqi uu ku jeesjeesay shir amni oo Muqdisho lagu qabtay, kaasoo raashin fara badan uu ka muuqday.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal sawir wata ku yiri: “Shirka amniga caasimadda iyo shirka amniga caloosha oo hal mar la isla qabtay, welina wadooyinka Halbowlayaasha MUQDISHO qaraxyadii waa ka jiraan, sababtuna waa iska muuqataa!! Ugu yaraan labada shir hala kala leexsho!..”

Waxaa muuqata in guddoomiyaha G/banaadir uu ka carooday qoraalka kooban ee Axmed Macalin Fiqi, isagoo jawaab adag ka bixiyey, waxaana labada mas’uul hore dagaallo dhinaca baraha bulshada ah oo aanu dhinacna ku guuleysan.

Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 2 people, people sitting, people eating, table and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!