Tuesday, July 15, 2025

Ergayga Q/Midoobay digniin culus u kala diray Musharixiinta Madaxweynaha [Akhri]

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa qoraal xambaarsan digniin culus u kala diray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalka Ergayga oo saxaafadda loo dusiyay  ayaa ku socda musharixiinta Soomaalida  iyadoo looga digay inay ku kacaan falal halis ku ah habsami u socodka doorashada.

Qoraalka oo saxiixa Keating uu saaran yahay ayaa si cad loogu sheegay musharixii Madaxweyne uu kusoo baxaa musuqmaasuq aanay beesha caalamku aqoonsan doonin natiijada doorashada iyo dowladda uu hogaamiyo.

Hore ayaa qoraalo noocan oo kale ah ay uga soo baxeen Beesha Caalamka iyo Wakiilka Q?Midoobay, waxaan dhamaan go’aanadii, hanjabaadii iyo baaqyadii ay noqdeen kuwo dhegaha laga fureyso oo aanay waxba ka hirgelin, lamana oga waxay uu qoraalkan cusub uga duwanaan doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON