Ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka argagaxisada iyo dhex dhexaadinta oo dowladda dalkiisa usoo dirtay Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya.
Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa socdaakiisa ka bilaabay magaalada Hargeysa oo kula soo kulmay madaxda maamulka Somaliland, iyadoo xiriirka Qatar iyo Somaliland uu xumaaday markii ay la safatay Imaaraadka iyo Sacuudiga xiisadii Khaliijka.
Ergeyga Dowladda Qatar oo ay la socdaan Safiirka iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka Muqdisho galabta kusoo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Balal Maxamed Cusmaan.
XOG: Dowladda Qatar oo wada Qorshe ay uga fogaaneyso Farmaajo iyo Ergay ay u direyso Somaliya
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Qatar ay xilligan bedeleyso siyaasadeedii Soomaaliya, kadib heshiis dhex maray Sacuudiga; waxaana ay dooneysaa inay dhexdhexaad ka noqoto xaaladda Sooomaaliya, iyadoo si gaara u taageeri jirtay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.
Ergayga dowladda Qatar ayaa la filayaa inuu Muqdisho kula kulmo madaxda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada iyo Mucaaradka sida musharixiinta Madaxweynaha.
