Thursday, June 26, 2025

Faadumo Dayib: Musharax Madaxweyne mise xubin Guddiga Anshaxa Doorashada..?

Haweeneydii  mar ahayd musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ee qabsatay saxaafadda caalamka Faaduma Dayib ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Guddiga anshaxa iyo asluubta Doorashooyinka. (HALKAN KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA)

Guddigan oo uu wareegto ku magaacabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa lagu soo daray Faadumo Qaasim Dayib, iyadoo sidoo kale ka mid yihiin aqoonyahano iyo xubno caan ka ah ururadda bulshada.

Faadumo Dayib ayaan la ogeyn meel ay uga hartay tartankii doorashada iyadoo mar sheegtay inaysan ku tartami karin xaaladda musuqa ah ee Soomaaliya ka jirta, kadibna beenisay inay ka baxday doorashada.

Dad badan ayaa u arkayay musharaxnimada xubno ay ka mid ahayd Faadumo inay ahayd mid ku kooban magaca, taasoo markii dambe noqotay xaqiiqo, laakiin ololaheedii musharaxnimo wuxuu aakhirka dhalay inay ka mid noqoto Guddi doorashada la soconaya oo cusub.

Faaduma Dayib ayaa u muuqata inay aqbashay xubinimada guddiga iyadoo farriimo loogu hambalyeeyay dib ugu qortay barteeda twitter-ka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON