Monday, June 23, 2025

Faafhaahin: Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday Saldhigga Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus  oo Alshabaab aroortii saaka ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee Baar Sanguuni oo 50 KM u jirta magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa ku bilowday Gaari weyn oo Qaraxyo siday, kaasoo uu waday ruux is-miidamaiye ah, waxaana kadib halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhex maray labada dhinac, kaasoo warar kala duwan kasoo baxeen, khasaare badanna dhaliyey.

Alshabaab ayaa sheegatay inay gudaha u galeen saldhiga baar Sanguuni oo ay la wareegeen ayna ku dileen 27 askari oo ka tisan ciidamada dowladda Soomaaliya, laakiin saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa beeniyey arrintaasi iyadoo sheegay inay ka hortageen qarax gaariga, iskana caabiyeen weerarka Alshabaab.

Ad

Afhayeenka howgalada Al-shabaab C/Casiis Abuu Muscab uu sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 27 Askari. Dhinaca kale Mukhtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay ka hor tageen Weerarka Al-shabaab.

Wara madax bannaan ayaa sheegaya in Qaraxa Gaariga weyn ayaa dhacay Salaadii subax xilligii la geli rabay, waxaana la sheegay in rasaas lagu riday uu qarxay, halka qasaaraha lagu sheegay 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo 7 Alshabaab ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON