Taliyihii Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Col. C/salaan Sanyare ayaa toogasho lagu dilay, kadibn markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan Ciidamada illaalada Garoonka.
Askariga ayaa rasaas ku furay Taliyaha iyo Ciidamo la socday, waxaana ku dhintay aliyihii Ciidamada Garoonka C/llaahi Yusuuf ee magaalada Gaalkacyo iyo mid ka mida ilaaladiisii, waxaana ku dhaawacmay askar kale.
Dilkan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay muran dhex maray askariga dilka geystay iyo taliyaha, iyadoo falkaasi uu keenay in la joojiyo shaqadii Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ninkii Falkaasi ka dambeeyay ee dilay taliyaha, iyadoo baaritaan lagu hayo kiiskan.