Saturday, July 12, 2025

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo lagu khaarijiyay sarkaal sare.

Qaraxa ayaa  ka dhacay gudaha xerada guutada 7-aad, waxaana la sheegay inuu ku geeriyooday G/Dhexe Maxamuud Saleebaan Salaad, oo ahaa abaanduulaha ururka 54aad ee ciidamada xoogga dalka.

Wararka aya sheegaya in qaraxa ay sidoo akle ku dhinteen 3 askari oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee sarkaalkan lagu dilay Qaraxa miinada oo ahaa mid qorsheysan.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu hoggaamin jiray howlgallada ciidamada ee inta u dhaxeysa Afgooye ee Saldhigga weyn ee ciidamada Balli-doogle.

La moga sida Alshabaab ugu suuragashay inay miino la geeyaan gudaha xerada, kuna beegsadaan sarkaalka, waxaase weli socda baaritaan, iyadoo ay goobta gaareen saraakiil iyo ciidmada dowladda oo arrintan ku baxay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON