Tuesday, July 1, 2025

Faahfaahin: Afduub xiriir la leh Kiiska Ikraan Tahliil oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay xaafada Howl-wadaag ka Afduubteen wiil dhalinyaro ah.

Afduubka Cabdiqafaar Xaaji Cumar oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada Beladweyne ayaa lala xiriirinayaa Kiiska kraan Tahliil Faarax oo ay hay’adda NISA sheegtay in ay u gacan-gashay Al-shabaab, kadibna ay dileen.

Wararka ayaa sheegaya Cabdiqafaar loo beegsaday kaliya inay qaraabo yihiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin, oo ay ehelada Ikraan Tahliil ku eedeynayaan inuu ka danbeeyay maqnaanshaha iyo wixii gaaray gabadhaasi ka mid ahayd saraakiisha NISA.

Muuqaal kooban oo kooxda dableyda afduubka geysatay aay baraha bulshada ku baahiyeen ayaa waxaa ka muuqday in ninka la afduubtay ay su’aalo weydiinayaan, sida qoyska uu kasoo jeedo, wuxuuna u sheegay in aay isku reer yihiin Fahad Yaasiin.

Xaalada kiiska Ikraan Tahliil oo qoyskeeda ku tuhunsan yihiin madaxda NISA ayaa meel xun maraya iyadoo ay hareysay shaki badań iyo sida ay dowladda iyo madaxda Hay’addaaasi u maareyeen kiiskaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON