Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo is-miidaamin ah oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saaka lagu qaaday garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Baraawe.
Wararka ayaa sheegaya in laba gaari oo waaweyn oo ay wadeen rag is-miidaamiyeyaal ah ay Alshabaab ku weerarreen Garoonka Baraawe oo saldhigga AMISOM ku dhow yahay, halkaasoo Gaarigii koowaad rasaas lagu furay laguna qarxiyey meel ku dhowaad 500 Mitir u jirta Garoonka, balse Gaarigii labaad uu ku qarxay halka Baabuurta la dhigto ee Garoonka, wuxuuna waxyeelo gaarsiiyey dhismaha Garoonka ee laga hago diyaaradaha.
Alshabaab ayaa qorsheysay in gaariga koowaad uu jidka u furo, midka labaadna uu gudaha garoonka ku qarxo, taasoo ana suuragelin, laakiin ay qaraxyadu soo geeraan gudaha garoonka oo dhowaan la furay, iyadoo uu maalgeliyey Midowga Yurub.
Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi ayaa laga so xigtay in Ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen mid ka mida gaadiidka qaraxyada siday, isla markaana uu mid ka mida ku qarxay afaafka hore Garoonka diyaaradaha, burbur xoog lehna uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baraawe.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay qasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada AMISOM iyo Garoonka diyaaradaha Baraawe.