Monday, July 7, 2025

FAAHFAAHIN: Alshabaab oo Weerarro kala duwan xalay ka fuliyay Magaalada Muqdisho iyo Afgooye

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerarro dhowr ah oo ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen xalay degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Koox ka tirsan Alshabaab ayaa weerartay Xarunta African Village ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Xaruntaas oo ay ku suganyihiin Saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada fedraalka Soomaaliya, waxaana halkaasi dagaal ku dhex maray ciidamo ilaalo ka ah xaruntaasi.

Weerar kale ayaa ka dhacay fariisimo ay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, halkasoo dadka degaanka ay soo weriyeen dagaal daqiiqo socday oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaa in Alshabaab ay weerarro dhowr jiho ah ku qaaday fariisimada ciidamada dowladda, waxaana weerarka hor uu ka dhacay Goob isbaaro ah oo ku taallay afka hore ee Afgooye, iyadoo la sheegay in ciidamadii halkasi ku sugnaa ay ka baxeen.
Weerar kale ayaa isla xalay ka dhacay bar koontarool oo ku taalla inta u dhexeysa Lafoole iyo Ceelasha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Weerarrada Alshabaab  xalay ka fulisy Muqdisho iyo Afgooye ayaa la sheegay inay dhaliyeen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON