Sunday, July 13, 2025

FAAHFAAHIN: Arday Dugsi & Macalinkoodii oo waxyeelo kasoo gaartay Qarixii degmada H/wadaag

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is miidaamin ah oo maanta Alshabaab ku weerartay xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxa ku burburay Masjid iyo Dugsi halkasi ku yaallay oo waxyeelo kasoo gaartay caruur halkasi ku sugnaa, iyadoo qaraxu dhacay xilli caruurta intooda badan loo fasaxay quraac, waxaana ku harsanaa Macalin lagu magcaabo C/salaan iyo 8 Arday oo laba ka mida dhaawac culus soo gaaray, halka macalinka iyo ardey kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen, markii derbigii Dugsiga ku dumay.

Dhinaca kale qasaraaha ayaa gaaray ilaa 7 qof oo saddex ka mida ay tahay caruur dhiganeysay Dugsiga hoose dhexe sare ee Xasan Qariidi iyo saddex askari, waxaana sidoo kale ku dhintay haweeney ka mid ahay ilaalada degmada.  Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay geeriyoodeen Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka, iyo sidoo kale gabadh qaabilsananeyd baarista dadka haweenka ah ee soo galaya degmada.

Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda degmada Howlwadaag. Gaariga qarxay oo ahaa nooca PRADO ayaa gudaha u galay xarunta, waxaana gebi ahaan burburtay xarunta degmada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON