Wednesday, June 25, 2025

FAAHFAAHIN: Ciidamada AMISOM oo Dad shacab ah ku dilay Muqdisho, kadib Qarax lala beegsaday

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax iyo rasaas maanta ka dhacay Jidka Balcad , agagaarka Warshadda Xeyle Bariise, markii Qarax miino lala eegtay kolonyo ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaasi marayey.

Qaraxa ayaa haleelay Booyad ka mida Kolonyadii AMISOM ee ciidamad Burundi, waxaana la sheegay inuu ku dhintay askarigii waday Booyada, iyadoo halkaas kadib ay ciidamada qaraxa qabsaday rasaas badan fureen, taasoo dhalisay geerida qof shacab ah.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamo kale oo ka yimid dhinac Balcad ay wax yar kadib qaraxa soo mareen wadadda Suuqa Xoolaha, iyagoo rasaas ku furay dad badan oo ku sugnaa agagaarka suuqa xoolaha, waxaana wararku sheegayaan in rasaasta ay ku dhinteen ilaa 3 qof oo rayid ah, dhaawacuna uu gaarayo 7 ruux. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhintay ay gaarayaan 7 qof.

Bannaanbax ayaa ka dhacay Suuqa xoolaha kadib falkaasi, sida ay sheegeen dadka degaanakaasi, waxaana markii danbe halkaasi gaaray ciidamada dowlada oo dadkii kala eryay, iyado xaalada ay markii danbe galabta caadi kusoo laabatay.

Bannaanbax ayaa ka dhacay Suuqa xoolaha kadib falkaasi, sida ay sheegeen dadka degaanakaasi, waxaana markii danbe halkaasi gaaray ciidamada dowlada oo dadkii kala eryay, iyado xaalada ay markii danbe galabta caadi kusoo laabatay.

Qaraxyada ciidamada AMISOM loo dhigo wadadda Balcad ayaa in muddo ah hakad galay, waxaana inta badan ka dhasha qasaare marka qaraxyadaaasi dhacaan oo ciidamada AMISOM ay rasaas ku jawaabaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON