Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa is-rasaaseyn magaalada Muqdisho ku dhex maray dabley hubeysan oo wadatay Gaari yar oo nooca raaxada ah iyo Ciidamada Amniga oo waday Gaari Cabdi Bile ah.
Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Xaafadda Sey Biyaano ee agagaarka suuqa Beerta Qaadka ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho, waxaana mar kaliya laga war helay Gaariga Cabdi Bilaga oo rasaseynaya Gaariga ay waday dabley loo maleynayo inay ahaayeen kuwa dilalka qorsheysan ka fuliya caasimadda.
Rasaastii la is weydaarsaday waxaa lagu dilay laba nin oo saarnaa Gaariga yar, waxaana baxsaday darwalkii Gaariga, halka uu sidoo kale ku dhintay qof shacab ah, isla markaana waxaa dhaawac kasoo gaaray askari ka mida ciidamada amniga.
Gaariga ayaa goobta falku ka dhacay yaallay in muddo ah, iyadoo ay dhex yaallaan meydadka labada nin ee lagu dilay, waxaana la xiray jidka Sey biyaano, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamo kale oo kuwa amniga ka tirsan.