Ciidanmada Booliska iyo koox burcad ah ayaa iska hor imaad ku dhex maray gudaha suuqa weyn ee Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay dagaalka labada dhinac.
Kooxda Burcadda ah ayaa la sheegay inay dhac u geysanayeen dadweynaha u soo dukaameysi tegay suuqa Xamarweyne, markii ay isku dhaceen ciidamo loo diray, taasoo keenay kooxda burcadda ah oo ka koobneyd saddex qof ay dukaan ganacsi gabaad ka dhigtaan, kadibna ay rasaas is weydaarsadaan ciidamada booliska.
Qof shacab ah ayaa ku dhintay is-rasaaseynta, waxaana ku dhaawacmay 4 kale oo midkood ka mid yahay kooxda burcadda ah, waxaana la qabtay saddexdii dabley ee dhaca ka waday suuqa Xamarweyne.
“Ciidamada Boliiska degmada X/weyne ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeegga Ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn kadib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay” ayay tiri taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen oo intaas ku dartay in saddex qod oo shacab ah uu dhaawac fudud ka soo gaaray iska hor imaadka halka. qof kale uu ku dhintay israsaaseynta Booliska iyo kooxda Burcadka ah oo galay goob Dukaan aheyd.