Monday, July 7, 2025

Faahfaahin: Ciidamada gaarka ah ee NISA oo howlgal ka fuliyey xaafado ka tirsan Muqdisho & Miinooyin ay Qarxiyeen..

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya, siiba kuwa Hay’adda NISA ayaa xalay howlgal gaara ka fuliyey xaafado ka mida degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo ahaa mid xoog leh ayaa waxaa fuliyey ciidamada Gaashaan, waxaana intiisa badan uu ka dhacay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley, iyadoo baaritaa Guryaha qaarkood, iyagoo qarxiyey laba Miino oo dhulka ku aasnaa, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Howlgalka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Sayidka ayaa sidoo kale lagu lagu qabtay dhalinyaro fara badan oo laga shakiyey, iyadoo kadibna la kala saaray oo qaarkood ay la tageen ciidamada.

Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ka bixiyeen howlgalka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo u muuqday inaysan ku lug lahayn Booliska.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON