Ciidamada xasilintaa caasimadda ayaa howlgalkoodii ugu horeeyay uga baxay caasimadda Muqdisho iyadoo gaaray Degmada Afgooye.
Ciidamada ayaa ku daba jiray fal dil ah oo habeen hore ka dhacay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim,iyadoo koox hubeysan ay ku dileen Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kadibna ka qaatay gaarigii uu watay.
Ciidamo xoog leh oo ka tirsan kuwa xasilinta ayaa la geeyay degaanka Tabeelaha Sheekh ibraahim, Sarkuusta iyo degaanka Garasbaaley, waxayna xireen aaggaas oo dhan, iyadoo soo qabta dad u badan dhalinyaro, waxayna wararku sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay gaarigii laga dhacay ninkii la dilay habeen hore.
Dad badan oo lagu soo qabtay howlgalka ayaa baaritaan loo geeyay magaalada Muqdisho, iyadoo wararku sheegayaan inay ka mid yihiin rag lagu tuhunsan yahay weerarkii dhowaan ka dhacay degaankaasi.