Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeelaha hoose uu ka dhacay howlgal ay wadajir u fuliyeen ciidamda kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.
Howlgalkan ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay la beegsadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaankaasi degaanka Mubaarak, waxayan dadka degaankaasi sheegeen in ciidamda ay wateen diyaarado halkaas meel u dhow ku dejiyey.
Ciidamada iskaashanay ayaa lug ku galay goobaha Alshabaab, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhex maray dagaal xoog leh, iyadoo uu jiro qasaare soo gaaray kooxda Al-Shabaab, iyadoo aan weli faahfaahin laga bixin.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerar ay kala kulmeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, ayna saraakiil ka dileen ciidamada weerarka soo qaaday, sida ay baahisay warbaahinta Alshabaab.