Monday, June 23, 2025

Faahfaahin: Dad badan oo ku dhintay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalda Beledweyn

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax qarax is-miidaam ah oo maanta duhurkii ka dhacay magaalad Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo uu geystay qof is-miidaamiye ah ayaa waxaa ku dhintay in ku dhow 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen kudhowaad 20 kale, waxaana goobta lala beegsaday ay ahayd Maqaayad ay dad badan ku sugnaayeen.

Maqaayada Xasan Dhiif ayaa ah Goob ay dad badan xafladaha iyo shirarka ku dhigtaan, waxaana qaraxa uu galaaftay dad badan oo shacab ah.

Ad

Xiliga qaraxa uu dhacay oo aheyd xilli qado ayaa waxaa goobta ku sugnaa bulsho aad u farabadan oo isugu jira masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo magaalada ay ku sugan yihiin ciidamadii ugu faraha badnaa, isla markaana Berri ay ka dhaceyso doorashada lix kursi oo ka mida Baarlamaanak Federaalka oo qaarkood muran hareeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON