Dagaal magaalada Beledweyne ku dhex maray maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dowladda ee maamulka Hiiraan ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Dagaalka ayaa ka dhashay xiisad ka ku saabsan dil askari ka tirsan ciidamada dowladda u geystay darawal Mooto Bajaajle lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney, taasoo keentay in maleeshiyada heybta uu kasoo jeedo darawalka ay weerar ku qaadeen saldhiga Booliska Beledweyne si ay ugala baxaan askariga dilka geystay, iyagoo ku andacoonaya inay dilayaan.
Ciidamada booliska iyo kuwa milateriga oo difaacayey saldhigga Booliska ayaa kala eryay maleeshiyadii, waxaana dagaalka ku dhintay saddex qof oo shacab ah, iyadoo markaas kadib uu dagaalku istaagay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dhowr qof.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana magaalada Beledweyne ka jiray xiisad intii uu dilka Mooto Bajaajlaha dhacay, iyadoo ganacsiga iyo isu socodka magaalada ay xirmeen, halka talaabaddii ay qaadeen maleeshiyo beeleedka ay dhalisay inay saddex qof oo kale dhintaan.