Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa iska hor imaad dhex maray ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo askar ilaalo ah oo uu watay taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.
iska hor imaadka ayaa ka dhacay agagaarka xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho oo caawa xaflada xuska 15-ka May lagu qabanayo.
Wararka laga helayo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in is rasaaseyntu ka dhalatay markii ay murmeen Ilaalada Madaxtooyada oo goobta u tagtay inay sugto ammaanka iyo ilaalada taliyaha Nabadsugida oo loo diiday inuu gudaha galo, taasoo keentay in qoryaha ay isku taagaan kadibna rasaas bilaabato.
Xaalad kacsan oo dagaal ah ayaa goobta ka dhacday markii rasaastu isku dhacday, waxaana warar hordhac ay sheegeen in askari ku dhintay, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Shilka kadib ayaa xaaladda caadi ku soo noqotay, waxaana la sheegay in taliyaha ciidamada nabadsugidda G/banaadir Col. Saadaq Cumar oo halis galay, waxaana xaaladdaa gacanta ku dhigay ilaalada Madaxtooyada oo halkaasi u tagtay iyadoo lagu wado inuu xafladda ka qeyb galo madaxweynaha.
Goobjooge.com