Wednesday, July 16, 2025

FAAHFAAHIN: Dagaal culus oo ka socda Afgooye iyo Alshabaab oo la wareegay qeybo ka mida magaalada

Weerar qorsheysan oo dhowr jiho laga soo qaaday ayaa ka socda magaalada Jowhar ee duleedka Muqdisho, iyadoo ay Alshabaab qabsatay qeybo ka mida degmada.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax weyn oo lala beegsaday xarun Ciidamada ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaa qarax kale lala beegsaday xarunta ciidamada AMISOM ee Burundi.

Dagaalka oo ay soo qaadeen boqolaal maleeshiyo ah, isla markaana ahaa mid ka mida kuwa ugu weyn ee Alshabaab soo abaabusho ayaa keenay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuw maamulka Koonfur Galbeed ay u gurtaan dhinaca Muqdisho.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa Dagaal kula wareegay Saldhiga Degmada Afgooye iyo Qeybo ka mid ah Magaalada Afgooye, waxayna gubeen gaadiid dagaal. Waxay kaloo Alshabaab la wareegeen Madaxtooyada Koofur Galbeed Ee Degmada Afgooye.

Dagaalka ayaa weli socda, waxaana dad fara badan ay ka baxsadeen magaalada iyagoo u qaxay xaafadaha iyo tuulooyinka.

Faahfaahin kale la soco….

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON