Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal dad badan ku dhinteen oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya, kadib weerar ay qaadeen maleesjiyada Canfarta oo salka ku haya muran dhulka.
Ugu yaraan 40 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen colaadda soo cusboonaatay ee labada Qowmiyadood oo maalmihii ugu dambeeyay ka socota magaalada Garba Ciise oo dagaal ay ku qabsadeen maleeshiyo Canfar ah.
Dagaalkii Shaley dhacay ayaa lagu sheegay mid ka mida kuwii ugu cuslaa ee labada dhinac dhex mara, waxaana la sheegay inuu jiro dhaawac fara badan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay difaaci doonto dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.
Arrintan ayaa imaanaysaa kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan oo boqolaal lagu sheegay, kaddib markii ay weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.
Magaalada Garba Ciise waxay dhacdaa jidka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti. Waana magaalo Soomaalida Itoobiya leedahay oo uu sheegtay is-maamulk Canfarta Itoobiya, taasoo keentay inay si awood ah kula wareegaan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda ay maanta degan tahay, iyadoo weli taagan tahay xiisadii dagaal.
Dadweynaha magaalada Jigjiga ayaa maanta dhigaya bannaanbaxyo ay uga horjeedaan xasuuqa ay Canfarta ka wado magaalada Garba-ciise, waxayna ku dalbanayaan in laga hortago dagaalka, ayna soo farageliyaan ciidamada dowladda Itoobiya.
