Tuesday, July 1, 2025

Faahfaahin: Dagaal laba Ciidan ku dhex maray Muqdisho iyo Jidad muhiim ah oo Saacado ku xirmay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal laba ciidan oo ka wada tirsan askarta dowladda ku dhex maray magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhacay Inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Sen Biyaano, waxaana uu dhex maray ciidamo Boolis ah iyo askar ka tirsan Ciidamad Milateriga, waxayna wararku sheegayaan inuu ka dhashay Guri la isku heysto oo muddo dheer dacwad ka taagneyd.

Gurigan oo ku dhow Hotel Jowhara ayaa la sheegay inuu lahaan jiray Jen Cali Xaashi oo ahaa sarkaal Sare oo ka tirsan dowladii hore ayaa murankiisu gaaray maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu qanci waayey go’aankii Maxkamadda ee dacwaddii Dhulkaasi. Dagaalka ayaa yimid markii ay dhinac ka mida kuwa dhulka sheeganaya ay damceen inay dhisme ka bilaabaan.

Waxaa hakaday isu socodka dadka, waxaan xirmay ganacsigii, iyadoo xaaladii noqotay Goob dagaal oo laga kala cararray, waxaana goobta tegay ciidamada Booliska iyo kuwa Haramcad ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka dhaliyey dhimasho iyo dhaawac, kadib rasaastii la is weydaarsaday iyo dagaaalka ka dhacay saaka Magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale qasaare soo gaaray gawaari iyo Mooto bajaaj rasaata la kulmay. Taliyaha ciidamada Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax ayaa ka mida dadka ku dhaawacmay dagaalka.

Goobta dagaalku saameeyay ayaa waxaa ku yaalla Isbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo dhallaanka, Kan Madiina, waxaana ku dhow tobanaan isbitaal oo kale, kuwaas oo ay saameyn ku yeelay dagaallada dagaal ee halkaasi ka dhacay.

Ciidmada milatariga ee dagaalka qeybta ka ah waxay hoos tagaan Sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne, halka ciidamada goobta tegay ee Booliska uu hoggaaminayey taliyaha Ciidanka garka ah ee Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax oo wararka qaar ay sheegeen inuu ku dhaawacmay dagaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON