Wararrka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu dagaal ku dhex maray duleedka degaanka Guriceel maleeshiyada Ahlu suna iyo kuwa Alshabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inay qaadeen maleeshiyada Ahlu suna, waxaana la soo weriyey in ugu yaraan lagu dilay labo qof oo kuwii dagaalamayey ah, iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka la yiraahdo Goola-gonle oo qiyaastii 80 KM dhinaca koonfur uga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu-Sunna Wal Jamaaca oo ka baxay Guriceel ay weerareen deegaanka Golangole oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab. Ciidanka weerarka qaaday waxaa bilowgiiba u suurtagashay inay dagaal la’aan qabsadaan Golangole kadib markii kooxdii joogtay ay xeelad dagaal.
Wararka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib usoo rogaal celisay, waxaana dagaalkaasi ku dhintay labo ka tirsan ciidanka Ahlu-Sunna, iyadoo ay Al-Shabaab dib ula wareegaan degaanka Goola-gonle.
Alshabaab aya sheegatay inay dagaalkaasi ku dileen 10 ka mida maleeshiyaadka Ahlu suna, tiro kalena laga dhaawacay, iyadoo qasaare balaaran ay gaarsiiyeen kooxda weerarka soo qaaday.