Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Dagaal Qaraar oo Ciidamada Dowlada iyo Alshabab ku dhex maray duleedka Degmada Balcad…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal qaraar oo ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Alshabaab ku dhex maray Tuulada Yaaqle ka tirsan degmada Balcad, Gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka oo gelinkii dambe ee maanta dhacay ayaa waxaa qaaday ciidamada Guutada labaad ee ciidamada milateriga dowladda oo beegsaday saldhigga ugu weyn ee Alshabaab ku leeyihiin agagaarka degmada Balcad, waxaana dagaal muddo socday oo halkaasi a dhacay uu keenay inay ciidamada dowladda dib uga soo gurtaan halkaasi markii dagaal xoog leh kasoo wajahay Alshabab.

Wararka aya sheegay in Maleeshiyada Al-Shabaab ay Miino ku qarxiyeen Gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda xilligii ay dib uga baxayeen degaanka dagaalku ka dahcay ee Yaaqle, iyadoo wararkii ugu horeeyay ee la helay ay sheegayaan in shan askari ay ka dhinteen ciidamada dowlada, waxaana la isku khilaafsan yahay waxyeelada soo gaartay saraakiisha ciidamda oo la isku dhex wado dhaawac iyo dhimasho.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Alshabaab lagu dilay weerarka oo ahaa kii ugu cuslaa ee degaankaasi ka dhaca, kaasoo Alshabaab ay isku fidinayeen muddooyinkii ugu anbeeyay.

Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalka ku dishay abaanduuliyihii guutada labaad iyo ku xigeenkiisa ayn ku gubtay saddex gaari oo kuwa dagaalka ah. Dhinaca kale maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in 13 maleeshiyo oo Alshabaab ah lagu dilay dagaalka, lana gaarsiiyey qasaare baaxad leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON