Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal maana Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Alshabaab ku dhex maray degaanka Qalimow ee duleedka degmada Balcad, Gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo qaatay saacado uu ku bilowday weerar culus oo ay Alshabaab ku qaadeen, waxaana dagaalka uu dhaliyey qasaare laba dhinac kala gaaray. Ciidamada dowladda ayaala sheegay in dagaalka looga dilay 11 askari, iyadoo dhaawaca uu gaarayo 13 kale.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay inay dagaalkaasi ku dileen 7 ka mida maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, lagana dhaawacay in ka badan 10 kale, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii cuslaa ee Alshabaab.
Dadka degaanka ayaa sheegay in xaaladda ay gelinkii danbe ee maanta xasilooneyd, iyadoo ciidamada Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin degaanka Qalimow ee lagu dagaalamay.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerar loo adeegsaday hoobiyayaal isla maanta ku qaadday saldhig ciidmada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Geelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa kaloo dhacay weerar kale oo loo adeegsaday hoobiyeyaal, kaasoo ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Garsaalo ee isla gobolkaasi.
Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalka ku dileen 13 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, ayna gubeen gaari kuwa dagaalka ah, iyagoo saraakiisha ay ka dileen ciidamada dowladda uu ka mid yahay sarkaal magaciisa lagu sheegay Indha-buur oo ahaa kabtan iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Jilibeey.