Dagaalkii Soomaalida Itoobiya iyo Oromada ayaa sii xumaadaya iyadoo lagu warramyo dad Soomaali ah oo lagu gowracay degaan u dhaxeeya labada maamul ee Oromada iyo Soomaalida.
Wararka ayaa sheegaya in Tuulada Guled oo u dhaxeysa degaannada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya in halkaasi lagu dilay shan qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay gowraceen dad Oromo ah, sida uu sheegay nabadoonka degaankaasi.
Nabadoon Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ragga Oromo ah ay soo weerareen Soomaali degaana Guuleed ku sugneyd, ayna u suuragashay inay qabteen, kadibna ku Gowraceen halkaasi.
“Xaaladda deegaanka aad bay uga sii dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidaa bay isku dilayaan, xalna ma jiro” ayuu yiri Nabadoonka.
Dadka Soomaalida ah ayaa isaga soo barakacay deegaannada ay ku xooggan yihiin Oromada, dagaalladuna waa mid aan joogsi lahayn, waxaana la sheegay in dowladda Itoobiya aysan faragelin dagaalka dib uga dhex qarxay labada qowmiyadood.