Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar maleeshiyoAl-Shabab saaka aroortii ku qaadeen saldhigga ciidmada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Maleeshiyada al-shabab ayaa weerarka ku bilaabay laba baabuur ismiidaamin ah oo ay ku qarxiyeen mid ka mid ah dhowr albaab oo laga galo xeradaa oo ku taala duleedka galbeed ee Bariire. Dagaal culus oo muddo 2 saacadood ah socday ayaa dhex maray labada dhinac, sida ay sheegeen dadka degaanka, iyadoo la isu adeegsaday Qoryaha darandooriga u dhaca, hoobiyeyaal iyo gantaalada garbaha laga tuuro.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibrahim Aden Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarkii koowaad, hase yeeshee maleeshiyada al-shabab ay ku soo qaadeen weerar labaad kaasoo dhaliyay dagaalka xooggan iyo qasaaraha dhacay.
Taliyaha guutada 20-aad Gen. Sheegow Axmed Cali oo ah ayaa sheegay in ay Khasaaro badan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii ee weerarka kusoo qaaday Barriire, kana dileen Saraakiil Sar sare oo hogaaminaayay Maleeshiyada iyo dagaalamayaal gaaraya 20 askari.
Dhinaca Alshabaab ayaa iyaduna sheegatay inay dagaalkii Bariire ku dileen 23 Askari, kuna qabsadeen 11 gaari oo 6 kamida ay yihiin gaadiidka Tiknikada.
Degaankii dagaalku ka dhacay ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin ciidamadda xoogga dalka, waxaana dagaalka lagu sheegay kii ugu adkaa ee dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab muddooyinkan.