Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo xlay iyo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, dhinaceeda Waqooyi ee ay maamusho Puntland.
Dagaalka ayaa xalay ku bilowday markii ay ciidamada Puntalnd howlgal ku aadeen Xaafladda Garsoor oo sida la sheegay ay isku dhaceen koox ka ganacsata Maandooriyaha iyo Khamradda, waxaana iska hor imaadka ku dhintay laba qof, halka lagu dhaawacay saddex kale.
Maleshiyo Beelleed ka careysan howlgalkii xalay ka dhacay Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa saaka weerar ku qaaday xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo oo maalmihii uu danbeeyay uu deganaa Madaxweynaha Puntland.
Dagaalka saaka ayaa dhaliyey qasaare kala duwan, wuxuuna saameyn ku yeeshay Suuqa weyn ee Waqooyiga magaalada, iyadoo lagu guba xarumo ganacsi, waxaana lagu dilay haweeney, iyadoo ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.
Ciidamada Puntland iyo maleeshiyada dagaalka dhex maray ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dib loo riixay maleeshiyadii iyadoo ay weli xaaladu kacsan tahay.
