Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax Duhurnimadii maanta ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir, Gobolka Banadir.
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay meel u dhow isgoyska Kaawo Godey oo ah meel suuq ah oo sidoo kale lagu iibiyo Qaadka, waxayna ciidamada Booliska sheegeen in la qabtay ninkii waday gaariga qarxay.
Wasiirka Amniga ayaa warbaahinta dowladda kasoo xigatay in Ciidamada ka hortageen Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa oo la doonayey sida ay sheegeenb in la soo galiyo bartamaha Magaaladda Muqdisho. Waxayna intaas ku dareen inay ku joojiyeen Gaariga Goob lagu hubiyo Gaadiidka oo ku taalla degaanka Kaawo-Godey.
Darawalkii waday Gaarigaa ayaa ka degay, waxaana la sheegay inuu isku dayey inuu baxsado, balse ay ciidamada ku guuleysteen inay qabtaan, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Booliska, waxaase la soow weriyay inuu Gaarigu uu qarxay markaas kadib.
Qaraxa gaariga ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen dad gaaraya 7, halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.