Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Falal Dil iyo Qarax Gaari oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay toogteen oday 70 sano jir ah ayna dhaawaceen xaaskiisa.

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday labadan qof oo oo ku jiray dukaan  ku sugnaayeen degmada Xamarjajab, waxaana goobta ku dhintay Maxamed Sh. Abuukar oo ahaa oday 70 sano jir ah, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray xaaskiisa oo lagu magacaabo Khadiija Sheekh Cali.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in odayga la dilay uu ka mid ahaa ergada soo dooratay xildhibaanada Baarlaamaanka Federaalka.

Dhinaca kale waxaa iska caawa gaarigiisa qarax loo xiray nin ka tirsanaa ciidamada Asluubta oo magaciisa lagu sheegay Mahad Cabdi  Cabdulle oo ka badbaaday qaraxaasi, gaarigii ayaana la sheegay inuu burburay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON