Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Gaari maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu xiray Gaari nooca aanay xabbadu karin ah oo ay wateen shaqaale dhisme oo ajaaniib ah.
Gaariga oo qarax ku qabsaday Isgoyska Zoope ayaa la sheegay inuu qof ku dhaawacmay; waxaaana ka badbaaday shaqaalihii ajnabiga ahaa ee la socday oo la sheegay inay ahaayeen shaqaalaha Turkiga ee ku howlan dhismaha wadadda Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo ay tahay markii labaad ee qaraxyo lala beegsado shaqaalaha iyo Injineerrada Turkiga ee dhismahaasi wada.
Lama shaacin in qofka qarax ku dhaawacmay uu yahay Turki, waxayna dad goobjoogayaal sheegeen inuu ahaa qof shacab ah oo wadadda marayey. Qaraxya lala beegsanayo howlwadeennnada ku howlan dhismaha Wadadda Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgelisay dowladda Qatar ayaa sii kordhaya iyadoo aanay weli cidna sheegin ilaa saddex qarax oo lagu qaaday xarunta dhismaha iyo shaqaalaha Turkiga ah.
