Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax uu sababay Gaari Waxyaabaha miineysan oo caawa ku qarxay,
xaafadda Hantiwadaag ee degmada Waaberi agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay in gaariga uu qarxay kadib markii ay joojiyeen ciidamada dowladda oo u diyaarsanaa qarax, waxaan ciidamada ay damceen inay baaraan, taasoo keentay inuu qarxo Gaarigii.
Qaraxa ayaa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, Waxaana ku dhintay qof iyadoo 4 kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.
Taliska Booliska Degmada Waaberi iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaan aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta laba qarax iyo weerar lagu qaaday xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo 13 qof lagu dilay.
Goobjooge.com