Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof ganacsade ahaa lagu dilay degmada Dharkeynley, iyadoo Alshabaab ay sheegtay inay Miino ku qarxisay Gaari ay wateen ciidamada dowladda, degmada Waaberi.
Dabley hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay nin ganacsade ahaa, wuxuuna dilkan kad hcay Waaxda 3-aad ee degmada Dharkeynley, iyadoo falka dilka ah, kadib ay baxsadeen dableydii dilka geysatay.
Dadka degaanka ayaa sheegay ganacsadaha lagu dilay goobtiisa Ganacsi oo xaafadda uu ku ahaaa, waxaana markii danbe halkaasi gaaray ciidamada amniga oo aanay u suuragelin inay soo qabtaan kooxdii dilkaasi ka danbeysay.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegay inay qarax Miino ku fulisay Gaari nooca tiknikada ah oo ay wateen ciidamada dowladda, qaraxa oo ka dhacay degmada Waaberi, ayaa warka Alshabaab lagu sheegay inay ku dhaawacmaan laba askari oo la socday gaarigaasi.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka.