Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Ganacsade & Xildhibaan Gole degaan oo lagu dilay Gaalkacyo & Alshabaab oo War kasoo saartay..

Dabley hubeysan ayaa xalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dila xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca ee maamulka Puntland, isla markaaa ahaa ganacsade.

Xildhibaanka ayaa magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar Tiinle, waxaana laba nin oo Bistoolado ku hubeysan ay ku weerareen goob ganacsi oo u dhow xarunta SOMTEL, isagoo u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, sidoo kale dableyda ayaa dhaawacay askari qori sitay oo ka hor yimid iyagoo baxsanaya.

War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda dilka Mukhtaar Axmed, waxayna ku eedeysay inuu ka mid ahaa maamulka Ashahaadda la-dirirka Puntland, sida lagu yiri warka kasoo baxay Alshabaab.

Ciidamada Puntland ayaa Saaka howlgallo ka bilaabay Xaafado ka tirsan magaaalada Gaalkacyo oo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay falka dilka ah oo baxsaday markii ay dileen xildhibaanka Golaha degaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON