Sunday, July 13, 2025

FAAHFAAHIN: Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ka badbaaday Qarax lala beegsaday Gaarigiisa

Wararak laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) uu ka badbaaday qaraxa lala beegsaday Gaarigiisa.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana la soo weriyey inuu ahaa miino dhulka loo dhigay oo meel sare laga hagayey, iyadoo lagu qarxiyey gaariga Guddoomiyaha oo ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa oo 3 ka mida ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa la sheegay inuu waqti yar ka hor ka degay gaariga inta aanu qaraxu qabsanin, isagoo ka badbaaday qaraxaasi, waxaana hadda socda baaritaan ku saabsan qaraxa oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Boosaaso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON