Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday Garoonka Muqdisho iyo Xerada Xalane ee ciidamada AMISOM degan yihiin.
Dadka degaanka ayaa sheegay in hoobiyeyaasha ay rideen koox dabley ah oo wadatay gaari nooca raaxada ah, waxayna hoobiyeyaasha ka rideen agagaarka Dugsiga Hoose Dhexe ee Jabuuti.
Dableyda ayaa la sheegay inay rideen laba madfac, iyadoo madficii saddexaad uu dhici waayay kaasoo meel u dhow ku habsaday, isla markaana dhaawac kasoo gaaray haweeney dadka degaanka ka mida.
Dableyda falkan geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo markaas kadib ay halkaasi tageen ciidamo boolis ah, waxayna ka qaadeen goobta saalbooyin ay uga carareen dableyda.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaafiicdan iyo halka ay ku dhaceen, waxaase qaraxyadooda laga maqlay Garoonka Muqdisho iyo Xerada Xalane.
Waxaa sii kordhaya hoobiyeyaasha maalinta cad lagu weerarayo gudaha magaalada Muqdisho iyadoo laba maalmood ka hor agagaarka madaxtooyada lagu weeraray hoobiyeyaal ay dhaliyeen dhimasho iyo dhaawac.
Goobjooge.com