Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey howlgal gaar ah oo ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen Gobolka Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay fariisin ay Alshabaab ay ku lahaayeen degaanada Muuse Xaaji iyo Araarre, laguna dilay 4 Sarkaal iyo 7 dagaalame oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Sida uu sheegay Abaandullaha qeybta 43-aad ee ciidanka milateriga G/sare Maxamed Buule oo wareysi siiyey idaacadda ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan ay ciidamadu xoogga dalka inay ahaayeen kuwa qorsheysan oo sidii la rabay u dhacay.
Gaashaanle Sare Maxamed Buule ayaa caddeeyay in gacanta lagu dhigay laba ka mida gaadiidkii dagaalka ay isticmaalayeen Ururka Al-shabaab, islamarkaana la burburiyay Saldhigyadii halkaas ay ku lahaayeen Al Shabaab.
Ma jirto cid xaqiijisay weerarka iyo qasaaraha ka dhacay ee ay sheegteen saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Jubbadaa hoose.