Monday, June 5, 2023

Faahfaahin: Howlgal Duqeyn ah oo lagu laayey Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa…

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in duqeyn lagu dilay ku dhowaad 50 ka mida Maleeshiyada Alshabaab oo weerar lagu qaaday gaadiid dagaal oo ay la socdeen Gobolka Sh/Hoose

War-saxaafadedka ayaa lag usheegay in laa iyo 49 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaara ah oo kashanaya saaxiibada caalamiga ah (Mareykanka) ay ka fuliyeen degaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid u dhacay sidii loo qorsheeyay oo lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Ad

Maleeshiyada ayaa lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa la sheegay inay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin la fashiliyay oo dhabarka laga jabiyay.

Taliska Africom ee Mareykanka ayaan weli ka hadlin weerarkan ay fuliyeen diyaaradahooda Drone-ka ah, iyadoo caadiyan uu talisku sheego tiro aad uga yar nta ay shaaciso dowldda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!