Howlgal ay caawa saqdii dhexe qaadeen ciidamada nabadsugidda NISA ayaa lagu qabtay siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya.
Howlgalka ciidamada ammaanka ayaa ka dhacay Guriga uu deganaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hore wasiir u soo noqday, isla markaana ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha u tartamay Febraayo 2017.
Ilaalada siyaasiga ayaa la sheegay inay ka hor yimaadeen ciidamadii NISA ee loo diray howgalka lagu soo xirayo siyaasiyiinta, taasoo keentay iska rasaaseyn labada dhinac dhex martay oo uu ku dhaawacmay C/raxmaan C/shakuur, waxaana lagu dilay saddex ka mida ilaaladiisii.
Dhaawaca C/raxmaan C/shakuur ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid fudud, waxayna ciidamada ku qaadeen gawaari ay wateeen, kadib howlgalka keenay iska hor imaadka.
Ciidamada NISA ayaa gacanta ku dhigay C/raxmaan C/shakuur iyo Sayid Cali Macalin oo markaasi la joogay, waxaana lagu xiray xarunta NISA ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay war ka soo saarto weerarka lagu qaaday siyaasiyiintan, iyadoo dowladii hore ay weerar sidan oo kale ah ku qaaday xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare oo iska deganaa agagaarka Hotel Jazeera, kaasoo aan lagu guuleysan in lagu qabto.