Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga healy Qarax Gaari lagu xiray Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoysyada KM4 wadadda aada Taleex.
Gaariga la qarxiyey ayaa waxaa la socday Injineer u dhashay dalka Turkiga oo la sheegay inuu Muqdisho shaqo u joogay, kaasoo dhaawac halis kasoo gaaray qaraxa markii la geeyay isbitaalka Digfeer, kadibna u geeriyooday, waxaa kaloo qaraxa ku dhaawacmay qof shacab ah.
Qaraxa ayaa qabsaday gaari nooca TOYOA HILUX ah oo Injineerka lala beegsaday, waxaana laamaha amniga oo goobta tegay ay xireen qof Soomaali ah oo la socday Injineerka Turkiga ah ee geeriyooday, kaaoo su’aalo la weydiinayo.


